Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cabdisaciid oo qaabilay wafdi ka socday dolwadda Faransiiska oo Muqdisho soo gaaray (Sawiro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa caawa Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socday Wasaaradda Yurub iyo Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Faransiiska, kaas oo uu hoggaaminayey Agaasimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Christophe Bigot.

Wasiirka iyo Wafdiga ayaa ka wada hadlay horumarinta xiriirka labo geesoodka ah iyo xoojinta iskaashiga wadar geesoodka ah ee labada dal, waxaana ay si gaar ah kulankooda diiradda ugu saareen iskaashiga dhinacyada amniga, diblomaasiyadda, la dagaallanka argagixisada iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika.


Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com

Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Danjirihii Somalia u fadhiyey Kenya oo deg deg ugu soo laabtay Muqdisho

Caydiid Ali

Daawo: Sidee Dhuusamareeb loogu soo dhoweeyey madaxda DF & Dowlad Goboleedyada

Caydiid Ali

Shiikh Shaakir: “Waxaan rabnaa in la dhameeyo khilaafka dowlada & Ahlu Sunna”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---