Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirka Beyle oo beeniyey Warar lagu faafiyey Baraha bulshada iyo Warbaahinta

Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Somalia Dr. C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa si kulul u beeniyey warar qabsaday baraha bulshada iyo Warbaahinta gudaha oo sheegayey inuu ahaa Wasiirka kaliya ee diiday go’aankii ka soo baxay golaha Wasiirada ee liiska argagaxisada looga saaray Jabhada ONLF iyo Cabdikariin Qalbi-dhagax.

C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa arintaas ku tilmaamay been abuur aan waxba ka jirin, isagoo u mahad celiyey Raisul Wasaare Rooble oo uu ku amaanay inuu fadhiga Golaha keenay oo jeedinta la xiriirta go’aanka liiska argagaxisada looga saaray ONLF iyo C/kariin Qalbi-dhagax.

“Fadhiga Golaha Wasiirada waxa uu leeyahay ajendayaal laga doodo oo la soo diyaariyo, qodobkana kuma jirin ajendaha maanta, markii la guda galay shirka ayaa la keenay, waxaana soo jeediyey fikrad ah in arrinta muhiimada ay laheyd loo yeelo oo ajendaha lagu soo daro si maqaamka iyo sharafta ay leedahay loo gaarsiiyo, arrintaas ayaa si qaldan loo fasiray suuragal maaha in walaalahay ONLF aan dembi ka galo” ayuu yiri wasiirka

C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in warar qaldan oo aan sax aheyn bulshada lagu dhex faafiyo, isagoo xusay in masuuliyiinta ONLF uu rag badan ka yaqaano , qaarkoodna ay soo wada shaqeeyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliska Somaliland oo xabsiga dhigay nin iska duubay Muuqaal yaab leh

Caydiid Ali

Iska horimaad ka dhacay agagaarka garoonka Aadan cadde iyo sarkaal lagu dilay

Caydiid Ali

Dayuurado weeraray saldhig Al-Shabaab ku leeyihiin Jamaame iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali