Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddoomiye Waaxeed caawa lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Allaha u naxariistee Axmed Xasan Ganey oo ahaa guddoomiye waaxeed ka tirsanaa maamulka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa caawa lagu dilay xaafadda Xoosh.

Dilka Guddoomiyaha ayaa loo adeegsaday qarax miino oo lagu diyaariyey wadada.

Sidoo kale laba askari iyo qof shacab ah ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen qaraxaas.

Ciidamada ammaanka oo goobtaas gaaray ayaa wada howlgallo baaritaan ah oo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey qaraxaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka hadashay Shirka loo qabanayo Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed

Cabdi Cade

Gudoomiye Degmo oo lagu jirdilay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Dal kuyaalla Yurub oo mamnuucaya in in fasallada lagu dhex isticmaalo telefoonnada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---