Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mas’uuliyiin iyo Siyaasiyiin caan ah oo ka falceliyey go’aankii ka soo baxay Golaha Wasiirada

Siyaasiyiin iyo masuuliyiin kala duwan ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyey go’aankii maanta ka soo baxay golaha wasiirada Somalia ee liiska argagaxisada looga saaray Jabhadda ONLF iyo Cabdikariin Qalbi-dhagax.

Inta badan xubnaha ka falceliyey talaabadan ayaa soo dhoweeyey go’aankii ka soo baxay golaha wasiirada Somalia, iyagoo ku tilmaamay mid taariikhi ah oo lagu saxay jariimo horey loo galay, waxaana ka mid ah xubnaha illaa hadda ka falceliyey

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Cagjar

Waxaan si wayn u soo dhawaynayaa go’aanka Golaha Fulinta ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku buriyeen go’aan hore oo ururka ONLF loogu aqoonsaday inuu yahay urur argagixiso ah, gacan cadawna lagu galiyay halgamaa Abdikarim Sheikh Muuse (Qalbidhagax).

Go’aankaas hore wuxuu ahaa ficil argagax galiyay shacabkii dulmanaa ee Deegaanka Soomaalida, xad-gudubna ku ahaa dhaqanka dawladnimo, ka Soomaalinimo iyo ka islaanimaba.

Waxaa kale oo aan dhaleeceeynaynaa ficiladii lamidka ahaa ee Deegaano kale oo Soomaaliyeed cadaw ugu soo gacan-geliyeen halgamayaal Soomaaliyeed oo diidaanaa tacadigii lagu hayay dadkooda.

Waxaan rajaynayaa in taariikhdaas madow ee uur-ku-taaladda leh, xiligii ay dhacaysayna aan dhaleeceeynay, cashir iyo cibro-qaadasho u noqoto cid walba oo xadgudbkaas samaysay. Waxaan ugu baaqayaa inay ka bixiyaan raali-galin buuxda

C/raxmaan C/Shakuur

Waxaan u mahadcelinayaa Raysalwasaare Rooble iyo Golaha Xukuumadda go’aankii ay maanta ummada Soomaaliyeed kaga daweeyeen daqarkii ceebeed, loogana laabtay gaboodfalkii lagula kacay halgamaa C/kariin Sheekh Muuse (Qalbidhagax) iyo ururkii uu ka tirsanaa ee Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadeniya (JWXO) ee argagexisada lagu tilmaamay.

Axmed Macalin Fiqi

Maanta Golaha wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay maanta indhaha ka fureen halgamaagii asagoo indho xiran, afduuban, garbaduuban dalka laga dhoofiyey dalka, iyo sidoo kale waxaa wax kama jiraan laga dhigay qaraarkii qaldanaa ee liiska argagixisnimo loogu daray Ururka ONLF ee xaq u dirirka ah.

25 August maalintii Qalbi dhagax amarka Farmaajo looga dhoofiyey garoonka Muqdisho iyo 06 September maalintii xukuumaddii Khayre ay sharciyaysay dhiibista Qalbi dhagax iyo liiska argagixisada in lagu daro ururkiisii ONLF waxay ahaayeen maalmo madow oo dawladnimada Soomaaliya iyo sharciga dalkaba meel looga dhacay, gefna laga galay halgankii ay u taagnaayeen Ururka ONLF.

Raysulwasaare Rooble, wasiirkiisa Amniga Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo golaha xukuumaddu waxay mudan yihiin bogaadin, waxaana xusi doonto taariikhda, haddii xukuumadani ay waxqabatayna waa kii u weynaa.

Mahad Salaad

Taariikhdu ma duugowdo lamana illaaawo xumaan iyo wanaagba!

Shirkii jaraa’id ee aan qabtay maalintii Xukuumadda Hassan Ali Khaire ay sheegtay in ay u dhiibtay dowlada Itoobiya halgamaa Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax!

Xassan Shiikh Maxamuud

In ONLF argagixiso lagu summadeeyo waxay muujineysay madaxbannaani la’aanta siyaasaddeena arrimaha dibadda muddooyinkaan dambe. Ka laabashada maanta ee go’aankaas gurracnaa waxa uu Soomaaliya ku soo celinayaa waddadadii toosnayd ee diblamaasiyadda dhexdhexaadka ah. Waan bogaadinayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Golehiisa wasiirrada.

Cumar Cabdirashiid

Waxaan soo dhoweynayaa go’aanka Goloha Wasiirada ee looga noqday go’aankii ONLF looga dhigay argagixisada iyo raaligelinta laga bixiyey falkii baal marsanaa Somalinimada ee lagu dhiibay xurmadle Qalbidhagaxx. Go’aankii 2017 wuxuu ahaa taarikh Madow. Well done PM.

Axmed Madoobe

Waxaan soo dhaweynayaa go’aanka wanaagsan ee ay maanta Xukuumada Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku saxday qaladkii taariikhiga ahaa ee ay hore DFS ugu aqoonsatay ururka ONLF inuu yahay urur argagixiso.

Sidoo kale, waxaan uga mahad celinayaa Golaha Wasiirada ee Federaalka garwaaqsiga ay garwaaqsadeen in falkii lagu dhiibay muwaadin Cabdikariim Sheikh Muuse(Qalbidhagax) ahaa fal qalad ah, ceebna ku ahaa qaranimada iyo sharafta umadda Soomaaliyeed.

Shariif Shiikh Axmed

Waxaan bogaadinayaa, soona dhoweynayaa go’aanka Golaha Wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya uga laabtay qaraarkii 2017 ururka ONLF Xukuumadda ugu aqoonsatay urur argagixiso, laguna dhiibay Cabdikariim Sh Muuse Qalbi Dhagax, waa go’aan taariikhi ah oo hoosta ka xariiqayaa qaranimada iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

James Swan oo ka faahfaahiyey shirka Xalane iyo qaabka ay QM u abaabuleyso

Caydiid Ali

Madaxweyne caan ahaa oo loo xiray Lacag uu ka helay Mucamar Gaddafi

Cabdi Cade

Fahad Yaasiin oo Gaadiid aan xabadaha karin ka dejiyay Baladweyne iyo Ujeedka ka Dambeeya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---