Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay kulana la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka heer Federaal Mudane Maxamed Cawil Warsame oo booqasho ku jooga Garawe.

Siciid Deni iyo guddomiyaha cusub ee Guddiga Xallinta Khilaafaadka ayaa kawada hadlay doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ee ka bilaabatay magaalada Garawe iyo sidii doorashada u noqon laheyd mid hufan.

Madaxweynaha Puntland ayaa u sheegay guddoomiyaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashada in ay ku shaqeenayaan habraacii iyo heshiiskii gollaha Wadatashiga Qaran ku gaareen magaalada Muqdisho.

Doorashada Xildhibaanada gollaha shacabka ee ka bilaabatay magaalada Garawe ayaa durba laga keenay cabasho xoogan, waxaana doorashadda loo diiday xubno isku soo sharaxay iyada oo sidoo kale lagu qabtay goob xero milatari ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tim Walz oo sheegay in waxa ka socda Minneapolis ay soo xasuusinayaan Muqdisho

Cabdi Cade

Kuraastii ugu horeysay ee lagu dooranayo Baladweyne oo la shaaciyey & Fahad Yaasiin oo..

Caydiid Ali

Wasiirka Amniga iyo taliyaha booliiska oo looga yeeray golaha Shacabka (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---