Madaxweynaha dowlada Mareykanka Donald Trump ayaa dhambaal hambalyo oo ku aadan Munaasabada kowda Luulyo usoo diray Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Donald Trump ayaa isaga oo ku hadlaya magaca dowlada Mareykanka usoo diray dhambaal hambalyo ku aadan Munaasabada maalinta Xuriyada ee kowda Luulyo Umada Soomaaliyeed iyo Madaxdooda.
” Aniga oo ku hadlaya magaca dowlada Mareykanka mudane Madaxweyne waxaan halkan adiga iyo shacabka Soomaaliyeed idinkugu soo dirayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aadan sanad guurada 58 aad ee maalinta xorriyadda” Ayuu yiri Farmaajo
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u balan qaaday dowlada Soomaaliya in ay sii wadi doonaan taaheerada ay siiyaan dowlada Soomaaliya si ay xasilooni u gaarto loogana shaqeeyo sidii Soomaaliya nabad iyo barwaaqo u heli laheyd.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com