Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Wadahadalada Somaliland iyo Colaada Tukaraq

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Famaajo oo maanta khudbad ka jeediyay munaasabad lagu xusayay munaasabada 1-luulyo oo ka dhacday garoonka Kubada Cagta ee Koonis ayaa kaga hadlay Wadahadalada Somaliland iyo colaada Tukaraq.

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbada uu ka jeediyay Garoonka Koonis uga hadlay arimo badan oo Muhiim ah, waxyaabaha uu Madaxweynaha diirada saaray ayaa waxaa kamid ah Wadahadalada  u dhaxeeya Dowlada Federaalka iyo Maamulka Somaliland.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in dowladiisa diyaar u tahay in ay dib usoo celiso Wadahadaladii kala dhaxeeyay Somaliland, waxa uu sheegay in labada dhinac yihiin dad walaalo ah oon marna kala maarmin.

“Somaliland waa dad walaalaheenna ah, duruufo badan iyo dhib badan ayaa soo maray oo laga yaabo inuu na kala qeybiyey, dowladdan diyaar waxay u tahay iney wadahadalladii soo celiso oo si wanaagsan oo run ah, oo xaqiiq ah loo wada fariisto Soomaaali kalama maaranto waa dad walaalo ah, waa dad isku dad ah, waa dad wax walbo wadaaga, in umadda Soomaaliyeed isku soo celinno oo aan isku dunno oo aaan walaalinno ayaa qof walbo oo Soomaali ah iyo mas’uuliyiintu waajib ka saaran tahay, aniga ayaa ugu horreya oo madaxweynihii umadda Soomaaliyeed ah iyo dowladdeeda diyaar waxaan u nahay inaan wadahadalkii si kasta oo aan kalsooni ku gelin karno walaalaheen aan ku gelinno, maxaa yeelay waa garab inaga maqan” Madaxweyne Farmaajo ayaa sidaasi yiri.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay colaada wali ka aloosan deegaanka Tukaraq ee u dhaxeeya maamulada Somaliland iyo Puntland, waxa uuna sheegay Madaxweynaha in aan xiligan loo baahneyn dagaal dambe oo dhiig ku daato.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dagaalka Tukaraq ay ku dhimanayaan Wiilal Soomaaliyeed, waxa uuna labada maamul ugu baaqay in ay si deg deg ah dagaalkaasi u joojiyaan.

“Soomaaliya waxay u baahan tahay Nabad, dagaal dambe iyo colaad dambe uma baahna, waxaan leeyahay arrimaha Tukaaraq ka socda ee dadka Soomaaliyeed dhiigooda bilaa micnaha ku daadanaya hala joojiyo, waxaa ku dhimanaya wiil Soomaaliyeed, waxaa ku dhaawacmaya wiil Soomaaliyeed, hooyo Soomaaliyeed ayaa ku gablameysa” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Hadalka Madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo aadaya xili ay wali hakad ku jiraan Wadahadaladii u dhaxeeyay Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland, lamana oga xili uu dib u bilaaban doono wadahadalada labada dhinac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/mbnmGv9US-s

Related posts

Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab oo u hanjabay Bankiyada dalka ka howlgala

Caydiid Ali

Antonio Guterres oo ka hadlay Rabshadihii Muqdisho Baaqna u diray Dhinacyada isku haya

Cabdi Cade

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo la sheegay in nolosha lagu qabtay (Magacyada)

Caydiid Ali