Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad oo ah Ikraan Tahliil hooyadeed ayaa hanbajaad culus u dirtay Taliyihii hore NISA Fahad Yaasiin, iyadoo uga digtay inuu yimaado magaalada Baladweyne.
Fahad Yaasiin oo ka mid ah saraakiil lagu eedeeyey iney maleegeen dilka Ikraan Tahliil ayaa qorsheynaya inuu dhowaan tago magaalada Beladweyne si uu soo qaato kursiga xildhibaanimo ee beeshiisa oo lagu wado iney doorashadiisu halkaas lagu qabto.
“Magaalada Beledweyne waa Gobolka Hiiraan, waa gobolka aan aniga u dhashay, waa Gobolka Ikraan Tahliil u dhalatay, waxaa u soo socda oo xil xildhibaanimo ka qaadan raba Fahad Yaasiin, isagoo raba inuu ku gambado Xil iyo Xasaanadna isku qariyo, mana imaan karo” ayey tiri Hooyo Qaali Maxamuud.
Waxay sheegtay in iyada iyo gabadheeda Ikraan Tahliil ay ka dhasheen labada beelood ee ugu waaweyn gobolka Hiiraan taasina ay u suuragalineyso iney Fahad Yaasiin ka hor istaagaan Magaalada Balad-weyne, waxayna shacabka iyo labada qeybood ee magaladaas jooga ku boorisay iney ka dhiidhiyaan, kana dagaalamaan booqashada Fahad Yaasiin oo ay sheegtay inuu yahay shaqsigii gabadhooda shirqoolay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://www.youtube.com/watch?v=NXtQv5Aq5gc&t=35s