Allbanaadir.com
NEWS

Madaafiic kusoo dhacday qeybo kamid ah Muqdisho xili ay wadooyinka xiran yihiin

Tiro Madaafiic ah ayaa kusoo dhacay xaafado katirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir gaar ahaan xaafado ku dhaw dhaw Xarunta Xalane ay dagan yihiin Taliska ciidamada AMISOM.

Inta la xaqiijiyay waxaa xaafadahan ku dhaw xarunta Xalane kusoo dhacay ilaa sadex Madfac oon la ogeyn ilaa hada goobta laga soo tuuray, waxaana Madaafiicdan lagu bar tilmaameedsanayay xarunta Xalane.

Madaafiicda qaarkood oo ku dhacay xaafado dad shacab ah degan yihiin ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen ilaa shan qof , lamana oga in madaafiicdan qaarkood u gudboon xarunta Xalane .

Madaafiicdan Magaalada Muqdisho kusoo dhacday ayaa imaanaya xili wadooyinkooda magaalada yihiin kuwa xiran oo lasoo dhoobay ciidamo badan, waxaana magaalada ka socda munaasabado waa weyn oo lagu xusayo 1-da luulyo.

Waxii warar ah ee kusoo kordha madaafiicdan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/_TFvF1DwPWw

Related posts

Puntland oo taakuleyn ugu deeqday ciidanka Galmudug ee dagaalka kula jira Al-Shabaab

Caydiid Ali

Madaxwenaha maamulka Somaliland oo magacaabay 11-xil oo cusub (Akhrisi Digreeto)

Cabdi Cade

(Sawirro) Deni iyo Musharaxiin kale oo isku diiwaan geliyey doorashada Madaxweynaha

Caydiid Ali
Taboola Ads ---