Allbanaadir.com
NEWS

Imaam Masjid oo bad baadiyay Nolosha Boqolaal Masiixiyiin ah oo la doonayay in la dilo

Wadaad Muslim ah oo kunool dalka Nageria ayaa bad baadiyay nolosha Boqolaal qof oo masiixiyiin ah kuwaa oo halis ugu jiray in la dilo, kadib markii uu ku qariyay gurigiisa iyo Masaajid uu imaam ka ahaa.

Rag hubeesan oo Muslimiin ah ayaa la sheegay in ay eryanayeen ayna doonayeen in ay dilaan boqolaal Masiixiyiin ah oo dagaal uu ka dhaxeeyay, hasa ahaatee waxaa dadkan  bad baadiyay wadaadkan Muslimka ah oo magaciisa loo qariyay arimo amaan.

Muslimiinta iyo Masiixiyiinta oo kala ahaa Beeraley iyo Xoolo dhaqato ayaa isku heesay dhul daaqsimeed, waxaana dadkan Masiixiyiinta ah uu bad baadiyay wadaadka Muslimka ah ay ahaayeen kuwa kunoolaa deegaanka uu degnaa.

Wadaadkan Muslimka ah ayaa gurigiisa iyo Masaajidka ku qariyay 262 qof oo isugu jiray rag, haween iyo carruur , waxa uuna is hor taagay in dadkaasi ay laayeen rag Muslimiin hubeesan oo eryanayay.

Imaamka ayaa is hortaagay albaabka masaajidka, isaga oo ragga ka codsaday in ay iska tagaan, balse waa ay ka dhago adeegeen, waxayna ku hanjabeen in ay gubi doonaan masaajidka, hase yeeshee waa uu baroortay, dhulka ayuuna isla dhacay, taas oo keentay in ay iska tagaan.

Waxa uu sheegay Imaamka sababta uu dadkan u caawiyay ay ahayd in 40 sano ka hor dadka masiixiyiinta ah ay ogolaadeen in masaajiddo laga dhiso deegaankooda, abaalkaasna uu weli u hayo.

Gobolka kuyaala bartamaha dalka  Nigeria, ayaa waxaa ka jira rabshado iyo dagaalo u dhaxeeya  qabiilka Fulani ee muslimiinta ah, iyo kuwa Berom ee masiixiyiinta ah, waxa ayna labadan qabiil isku heestaan dhul daaqsimeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/mbnmGv9US-s

Related posts

Madaxweyne Mustafe oo ka digay arrin halis ah oo ku soo wajahan degaanka Soomaalida

Caydiid Ali

Ciidanka Somaliland oo heegan buuxa la galiyay iyo Sababta keentay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Trump oo shaaciyey inuu ka badbaaday afgembi xukunka looga tuuri lahaa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---