Allbanaadir.com
NEWS

Mahdi Guuleed oo raaligelin siiyay Ra’isul Wasaare Rooble iyo Beesha Habar Gidir

Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo caawa ka hadlay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho raaligelin u diray Ra’isul Wasaare Rooble iyo beesha uu kasoo jeedo ee Habar Gidir.

Mahdi Guuleed ayaa sheegay in waxii maanta ka dhacay guddoomiyaha Aqalka Sare uusan aheyn dhaqan Islaam iyo mid Soomaaliyeed, waxa uuna raaligelin iyo xaalba siiyay Ra’isul Wasaare Rooble iyo beeshiisa.

” Waxii maanta ka dhacay aqalka Cabdi Xaashi ma ahey dhaqan Islaam, mid Soomaali, iyo mid oday dhaqmeed, Ra’isul Wasaare Rooble iyo Beesha Habar Gidirba waxaan leeyahay xaal qaata, anaga dhaqanka aad u naqaan, waxaana leenahay Rooblow raali ahaow ,beesha Habar Gidirey xaal qaata, diyaar ayaana u nahay gogol weyn iyo madal in aan xaalkaasi ku bixino ” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka ayaa sheegay in doorashada dalka ka socoto aysan aheyn mid qof iyo cod ah balse ay tahay mid dadban, waxa uuna cadeeyay in isaga iyo Cabdi Xaashi aysan door ku laheyn doorashada gollaha shacabka ee hada socota.

Raaligelinta Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka caawa bixiyay ayaa kusoo aadeysa xili Guddomiyaha Aqalka Sare iyo Odayaal kasoo jeeda gobolada Waqooyi eedeeyeen Ra’isul Wasaare Rooble iyo beesha uu kasoo jeedo ee Habar Gidir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamada ciidamada DF oo riday xukuno dil ah iyo Gudoomiye Cabdi Xaashi oo..

Caydiid Ali

Askar ka hor timid Maamulka Axmed Madoobe oo dil & xabsi lagu xukumay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Nin hubeysan oo goor dhow Muqdisho ku laayey qoyskiisa, isagiina isdilay (Dhacdo naxdin leh)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---