Allbanaadir.com
NEWS

Guddomiyaha Aqalka sare oo Eedeyn u jeediyay Rooble kuna baaqay in la joojiyo doorashada

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa sheegay in boob iyo hanaan sharci daro ah loo marayo doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ku matalaya gobolada Waqooyi.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo warbaahinta la hadlay ayaa ku baaqay in la joojiyo doorashada xildhibaanada golaha shacabka gaar ahaan kuwa jadwalkooda doorashada dhawaan soo saareen guddiga doorashada gobolada Waqooyi.

“Waxaan ugu baaqaya raysal wasaaraha in la joojiyo jadwalka doorashada ee lasoo saaray, lana joojiyo kuwa la isku haysto oo aanan la isla ogeyn, doorashadana loo qabto kuwa la isla ogyahay kaliya” ayuu yri guddoomiye Cabd Xaashi.

Guddomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble in faragalin toos ah ku hayo doorashada golaha shacabka gaar ahaan tan gobolada Waqooyi.

Hadalka guddomiyaha Aqalka Sare ayaa imaanaya xili maanta siyaasiyiin iyo odayaal dhaqmeed kasoo jeeda gobolada Waqooyi ku eedeeyeen Ra’isul Wasaare Rooble in boob iyo faragalin ku hayo doorashada xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Beesha caalamka oo digniin ka bixisay Doorashada Madaxweynaha Somalia

Caydiid Ali

Turkiga oo gacan weyn ka geesanaya xalinta Khilaafka ka taagan Doorashada Soomaaliya

Cabdi Cade

Maamul Goboleed Shaaciyay in uu hakiyay Wada shaqeyntii dowlada Federaalka (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---