Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Soomaaliya oo Arrimo muhiim ah kala hadashay Dowladaha Tanzaniya iyo Gabon

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta oo Jimce ah khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Midowdey ee Tanzania Marwo Liberata Mulamula, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Tanzania.
 
Labada Wasiir ayaa wada-hadalkooda diiradda ku saaray sidii loo sii horumarin lahaa cilaaqaadka iyo wax wada qabsiga ku qotoma danaha Labada Qaran, iyaga oo aragtiyo muhiim ah iska dhaafsaday iskaashiga Labada Dowladood ee arrimaha Gobolka iyo Qaaradda ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, maalgashiga, diblomaasiyadda iyo ganacsiga.
 
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Dhiggiisa Tanzania uga mahad celiyey soo dhoweynta wanaagsan ee Shacabka iyo Dowladda aan saaxiibka nahay ee Tanzania ay u fidiyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalkaas
 
Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta oo Jimce ah khadka talefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee dalka Gabon Mudane Pacôme Moublet-Boubeya, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal.
 
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa dowladda Gabon ugu hambalyeeyey ka mid noqoshaheeda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey horraantii bishan, isaga oo la wadaagay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay si hufan uga la shaqeyso arrimaha khuseeya nabadda iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.
 
Sidoo kale, Labada Wasiir ayaa wada hadalkooda diiradda ku saaray mustaqbalka xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Gabon, iyo sidii looga wada shaqayn lahaa horumarinta iskaashi miro dhal ah oo ku qotoma danaha Labada Qaran, kaas oo taabanaya dhinacyada diblomaasiyadda, amniga, la dagaallanka argagixisada iyo dhaqaalaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shiikh Aadan Madoobe oo la kulmay Raisul Wasaarihii hore ee Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidankii dhismihiisa dhibka dheer loo soo maray oo si fudud loo duminayo !! (Warbixin)

admin

Booliiska oo Shaaciyay cida Masuulka ka ah Falalka amni darro ee Muqdisho kusoo korortay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---