Raisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa la filayaa in maalmaha soo socdo ay safar ku tagaan magaalada Abu Dubai ee dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow xafiiskiisa.
Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo masuul dowladda ka tirsan Soomaaliya ku tago dalka  Imraadka tan iyo bilawgii 2018-kii.
Maxamed Xuseen Rooble ayaa bilaawgii bishan Imaaraadka Carabta ka raali geliyay falkii dhacay 2018 isagoo fasaxay lacagtii laga qabtay, inkastoo Villa Somalia ay diiday in dib loo celiyo lacagtaas.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse Cali ayaa 19-kii bishan wadahadal qadka telephone-ka ah la yeeshay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Imaaraadka Carabta ee Muqdisho Maxamed Axmed Al-Cusmaan waxaana la sheegay in uu ku wareejiyay farriin uu ka waday dalkiisa iyo casuumad ay Abu Dubia u soo dirtay Raisal Wasaaraha Soomaaliya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com