Dalkeenna Soomaaliya ayaa marayo marxalado adag oo dhamaantood qatar gelin kara midnimada iyo madaxbanaanida dalka oo ay culeyso badani ka soo wajahayaan maamulka Somaliland oo markan ay ku daaban yihiin shaqsiyaad, hay’ado kala duwan iyo waliba dowlado isqarinayo, kuwaasi oo si aan gabasho lahayn u raadinayo in Somaliland la ictiraafo.
Dhinacayadaasi sedexda ah ee aan soo sheeegay ayaa wado dadaalo muuqda oo ku aaddan arintaasi (ictiraaf raadinta) ka dib markii ay dhaqaalo badan ka heleen maamulka Somaliland oo runtii ku daalay xaaladdan uu ku jiro ku dhawaadka 30-ka sano ee aan dhinacna u dhicin, taas oo keentay inay quus gaaraan kuwii fikirkan keenay oo ay qaar badani sii gaboobayaan.
Waxaa meesha ka sii baxayo dadkii waa weynaa ee qaddiyaddan aadka u aaminsanaa ee wax badan la soo qeybsaday dowladihii dalka soo maray, gaar ahaaan dowladdii kacaanka. Halka ay dhinaca kale soo korayaan dhalinyaro badan oo aan wax badan kala socon waxyaabihii la soo maray, taasi oo runtii qatar ku ah fikraddan la dhiman doota jiilkii la yimid. Insha Alaah.
Dadaaladan ay markan horboodayaan dhinacyadan 3-da ah ee aan soo sheegay oo runtii keenay in xubno ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska ay ku dhiiradaan keenista in laga doodo ictiraafka maamulka Somaliland. Arimahan oo dhan ayaa imaanayo xilli ay dalka ka jirto dowlad la aqoonsan yahay haba iska tabaryaraatee.
Dowladdan ayaa haysata kalsoonida shacabka Soomaaliyeed maadaama ay ku wada jiraan Soomaali oo dhan. Halka ay dhinac kale haysato sharciyad buuxda oo siineysa inay iyadu matasho dalka Soomaaliya oo dhan, laakiin nasiibdarro waxaa dowladda hogaamiyo shaqsiyaad aad mooddo inay marti ku yihiin dalkan oo uusan dalkan dalkoodii ahayn amaba aysan garaneynin waajibaadka shaqo ee saaran.
Waxaa dhacday inaan laga miradhalinin wadahadaladii lagula jiray maamulka Somaliland oo ay ahayd in la hor dhigo xuluul kala duwan oo ay kala doortaan si ay uga tanaasulaan qaddiyadan gooni-isutaagga. Sidoo kale, waxay ahayd in la qaado talaabooyin lagu hanjibanayo maamulkaas sida in laga garab-dhsio oo kale maamulka Khaatumo oo runtii ku filan inuu yareeyo dhulka uu maamulkaas ka talin karo.
Waxay sidoo kale ahayd in la isticmaalo dhammaan awoodaha iyo imkaaniyaadka la heli karo oo dhan si maamulkaasi loo daciifiyo, taasi oo ugu danbeyn keeni karta inuu ka tanaasulo qaddiyaddan ay adag tahay in la gaaro, iyadoo la beegsanayo dhammaan ururarada, dowladaha sida gaar ah ula tacaamulo maamulkaasi iyo waliba shaqsiyaadka u dooda qaddiyadda gooni-isutaagga.
Waxaa waxaasi oo dhan ka daran isticmaalka ereyada Somalia iyo Somaliland oo ay mararka qaar isticmaalaan masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo waliba siyaasiyiin Soomaaliyeed, taasi oo runtii abuurtay jahawareer baahsan oo ay ka faa’iideysteen dadka taageera maamulka Somaliland, Kuwaasi oo doonaayey in la sawiro labo dal oo kala duwan si ay fududaato ictiraaf-raadinta.
Markii ay waxaas oo dhan dhaceen oo ay sabab u tahay Dowladda Federaalka ayaa waxaa yimid dhiiranaan aan horay loo arag, taasi oo runtii cabsi badan keentay. Ma la dhayalsan karaa dadaalada socda ee ay wadaan dhinacyada taageera qaddiyadda gooni-isutaagga Somaliland, Kuwaasi oo runtii aad mooddo in saaxadii iyaga loo baneeyey halka intii u taagneyd midnimadana la aamusiyey.
Ma arkeysid masuuliyiin ka tirsan Dowladda oo ka careysan waxa socda iyo halista ku soo wajahan midnimada iyo madaxbanaanida dalka oo wax walba ka muhiimsan marka laga reebo diinteenna Islaamka. Sidoo kale, ma arkeysid masuuliyiin shacabka iyo warbaahintaba ka wacyigelinaya isticmaalka ereyada Somalia iyo Somaliland oo runtii sawir khaldan ka bixiyey xaaladda dhabta ah ee jirta.
Bal waxaa lagu qancay magacyada xilalka la sito iyo waliba mushaarka la qaadanayo, taasi oo xaqiiqdii keentay in shisheeyo badan uu ku dhiirado in Somaliland la aqoonsado. Arintaas oo runtii ah khiyaamo qaran oo lagu muteysan karo dil ama xabsi dheer. Miyeysan danbi ahayn in la gudan waayo waajibaadka qaran ee mushaarka lagu qaadanayo? Haddiise dalkan laga difaaci waayo cadowga gudaha iyo midka dibadda, hadaba maxaa la difaacayaa?
Midnimada iyo madaxbanaanida dalka ayaa ka dhigan shay muqaddas oo aan marna la taaban karin. Cidda taabataana ay muteysaneyso cuquubo adag sida ay qabto shareecadeenna Islaamka iyo waliba dastuurka dalka u yaallo, laakiin nasiibdarro taa waxaa ka gaabiyey masuuliyiinta dowladda heerarkooda kala duwan sida heer federaal iyo waliba heer dowlad goboleed, Kuwaasi oo intooda badani ka aamusay waxa dhacayo.
Waxaa la xiiseeyaa ka hadalka waxyaabo badan oo aan macno lahayn, halka laga aamusayo marka wax loo dhimayo midnimada iyo madaxbanaanida dalka, taasi oo runtii shaki badan abuurtay oo ku aaddan maamulada dhisan iyo waxa loo dhisay. Tusaale ahaan, waxaa la aamusaa marka dalalka qaar ay ku xadgudbaan wadajirka iyo madaxbanaanida dalka sida Itoobiya oo kale halka kuwa kalena loo soo baxayo!
Sida muuqata Dowladda Federaalku waa dayacday masuuliyaddii ka saarneyd ilaalinta midnimada iyo madaxbanaanida dalka. Waxayna saaxada u baneysay maamulka Somaliland iyo kuwa taageeraba, kuwaasi oo xoriyad u helay iibinta qaddiyadda gooni-isutaagga maadaama aysan jirin dowlad dabasocoto oo dagaal kula jirta.
Ugu danbeyntii, si loo ilaaliyo midnimada iyo madaxbanaanida dalka, waxaan madaxda Dowladda Federaalka u soo jeedinayaa talooyinkan soo socda oo aan rajeynayo in sida uga dhaqsiyaha badan looga howlgalo si loo ilaaliyo dalkan muhiimka ah ee maanta yeeshay cadowga isugu jira Soomaali iyo shisheeyaba:
1- in masuuliyiin khibrad leh loo magacaabo wasaaradda arimaha dibadda si loo wajaho khataraha jira.
2-In si fiican ay u sharxaan safiirada Soomaaliya u fadhiya dalalka caalamka qaddiyadda Somaliland oo sawir khaldan laga bixiyey. 3- In sharciga dalka iyo sharuucda caalamiga ah lala beegsado dhammaan dhinacyada taageerayo gooni-isutaagga Somaliland.5-In dhinac kasta cadaadis laga saaro maammulka Somaliland inta uu daba socda qaddiyaddan gooni-isutaagga.
6- In la bilaabo dhismaha maamullo cusub oo laga dhiso gobolada waqooyi, iyadoo waddo kasta loo marayo.
7- Iyo ugu danbeyn, inaan la isku khaldin dadka reer Waqooyiga iyo maamulka Somaliland ee Soomaali-diidka ah.
W/Q: Maxamed Ibrahim
iidka1@hotmail.com
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com