Allbanaadir.com
NEWS

Ibraahim Cali Xasan oo lagu dilay Muqdisho iyo Al Shabaab oo sheegatay masuuliyada dilkaasi

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa shalay galab degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen Nin oday ah oo la sheegay in uu kamid ahaa Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka.

Raga hubeesan ayaa toogtay Ibraahim Cali Xasan oo Al Shabaab sheegeen in uu kamid ahaa Odayaashii wax kasoo doortay Xildhibaanada Baarlamaanka gaar ahana kuwa lagu soo doortay magaalada Baydhabo.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in masuuliyada dilkaasi iyagu ka dambeeyeen, Al Shabaab ayaana sheegtay in ay goobta si nabad galyo ah uga baxsadeen ragii dilka ka dambeeyay.

Magaalada Muqdisho waxaa kusii kordhaya beegsiga lagu hayo odayaasha iyo Ergooyinkii wax kasoo doortay Xildhibaanada Baarlamaanka , waxaana xusid mudan ergooyinka la dilayo in aysan wax war ah u heyn xubnihii ay soo dorteen ee kamidka ah Baarlamaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/_TFvF1DwPWw

Related posts

Diblomaasi Ruush ah oo ku dhaawacmay qarax loogu soo diray bashqad (Sawirro)

Caydiid Ali

Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya oo ka dooday ajende xasaasi ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey khasaaraha dagaalkii saaka ka dhacay Goof-gaduud

Caydiid Ali
Taboola Ads ---