Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa telfoon ka wacay Majaajileeste caan ka ah dalka Mareykanka, kaas oo isaga dhigay Madaxweynaha in uu yahay Xildhibaan katirsan Aqalka sare.
Majaajiliiste John Melesdez ayaa ugu horeyn wacay Wiilka uu sodoga u yahay Trump eeĀ Jared Kushner oo sidoo kale kamid ah la taliyaashiisa, waxa uuna John u sheegay in uu yahay Xildhibaan katirsan Aqalka sare oo ku aragti ah Trump uuna doonayo in uu la hadlo.
Jared Kushner ayaa ku wergaliyay Madaxweyne Trump in uu soo wacay XildhibaanĀ Bob Menendez oo katirsan Aqalka sare uuna doonayo in uu la hadlo , waxaana arintaasi aqbalay Madaxweynaha Mareykanka.
Trump ayaa si deg deg ah loogu wacay isaga oo xiligaasi saarnaaĀ diyaaradda Air Force One Majaajiliisaha isaga dhigay Xildhibaan, waxaana labada nin dhax maray sheeko xasaasi ah oo lagu baahiyay baraha Internetka.
Arinta layaabka laheyd uu Madaxweyne Trump kala hadlay Majaajiliistaha Xildhibaanka isaga dhigay ayaa aheyd in laga cafinayoĀ dacwad xildhibaanka loo heestay oo aheydĀ laaluush, waxaana codka laga duubay sheekadan lagu baahiyay baraha Internetka.
Xubno katirsan Saraakiisha Aqalka sare ayaa durba la xariiray Xildhibaanka la sheegay in ay wada hadleyn Madaxweynaha, hasa ahaatee Xildhibaanka ayaa u sheegay Saraakiishaasi in isagu uusan la hadlin Madaxweyne Trump.
Majaajiliiste John Meledez ayaa sheegay in si sahlan loo aqoonsan lahaa in uusan xildhibaanka ahayn haddii la weeydiin lahaa su’aalo sahlan sida halka laga soo doorto xildhibaanka iyo xisbiga uu ka tirsanyahay, taas oo uusan isaga aqoonba u lahayn, balse aysan wax su’aalba weeydiinin ka hor inta aysan usoo xiriirin taleefoonka madaxweynaha.
Ugu Dambeym War kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in qadadka isgaarsiinta madaxweynaha ay aad u furanyihiin, taasna ay keentay in ay dad badan ka faa’iideystaan siyaabo qaldan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com