Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay Angela Merkel u diiday codsiga uga yimid Xoghayaha guud ee Q/Midoobay?

Hogaamiyihii hore ee Jarmalka Angela Merkel ayaa ku gacan sayrtay codsi shaqo oo uga yimid Qaramadda Midoobay

Codsigan ayaa si gaar ah uga yimid Xoghayaha guud ee QM  António Guterres, kaas oo uu doonayey inuu Merkel ugu magacaabo Xubin sare oo ka mid ah Shaqaalaha UN-ka

hase ahaatee Merkel oo Telefoonka ka wacday António Guterres ayaa sheegtay inaanay doonayn Shaqadaas sida ay qoreen wargeysyada ka soo baxa Jarmalka.

Angela Merkel ayaa ka degtay dabayaaqadii sanadkii hore xilka hoggaamiyaha Jarmalka kaddib 16 sano oo ay xilkaasi heysay, taasoo soo afjartay waayaheedii siyaasadeed oo socday muddo ka badan 30 sano.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=riFvZvMQs8I&t=115s

Related posts

Maxaa kasoo baxay kulankii Muqdisho ku yeesheen Wasiirada iyo Xildhibaanada Hawiye ?

Cabdi Cade

Shan qof oo isku qoys ahaa oo lagu dilay Weerar ka dhacay Duleedka Warsheekh (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Xasan Shiikh & Shiikh Shariif oo booqday Isbitaalada Muqdisho qaarkood (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---