Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Shan ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka oo lagu doortay Baydhabo

Illaa shan xildhibaan oo ka tirsan xubnaha cusub ee Golaha shacabka ayaa maanta lagu doortay Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Xildhibaanada maanta la doortay ayaa qeyb ka ahaa doorashada 11 kursi oo dhowaan uu shaaciyey Guddiga doorashada Koonfur Galbeed.

Xasan Cabdinuur Cabdi ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisa yahay Hop184 ee xubinnimada Golaha Shacabka isagoo helay codod gaaraya-72 cod halka musharaxii la tartamayay Maxamed Cabdulaahi Cali uu heley 27 cod.

Shariif Maxamed Cabdullaahi ayaa mar kale ku guuleystay kursiga tirsigiisa yahay Hop085 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo helay codad gaaraya 79 cod halka musharaxii la tartamayay Maxamed Xuseen Mukhtaar uu helay 19-cod.

Maxamed Mursal Maxamuud ayaa isna ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-176 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo helay codad gaaraya 73-cod halka musharaxii la tartamayay Cabdixakiin Mustaf Ibraahim uu heley cod-26, 1-cod ayaana halaabay.

Sidoo kale Maxamed Wardheere Cabdi ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-046 ee xubinnimada Golaha Shacabka isagoo helay codad gaaraya 83-cod halka musharaxii la tartamayay Cabdulaahi Samow Cusmaan uu heley 11-cod, 1-cod ayaa halaabay.

Maxamed Aadan Maxamed ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa yahay Hop-156 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo helay codad gaaraya 88-cod halka musharaxii la tartamayay Maxamed Ibraahim isaaq  uu heley 10-cod 2-cod ayaa halaabay.

Related posts

Taliyaha Booliiska dowlada Soomaaliya oo ka hadlay xaalada guud ee amniga dalka

Caydiid Ali

Ruushka oo cambaareeyay falalkii lagu gubay Quranka ee ka dhacay Sweden iyo Denmark

Caydiid Ali

Qarax Caawa ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---