Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Jamaal oo jawaab adag siiyey Xildhibaanka u ololeynaya Aqoonsiga Somaliland

Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga caalamiga ah  ee dowladda Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa si adag ugu jawaabay Xildhibaan katirsan baarlamaanka UK oo u ololeenaya in la aqoonsado maamulka Somaliland .

Xildhibaan Gavin Williamson, oo katirsan baarlamaanka UK ayaa olole xoogan ugu jira aqoonsiga dowladnimo ee Somaliland, waxa uuna baarlamaanka UK  horgeeyay mooshin looga doodayay aqoonsiga Somaliland.

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku sheegay in in ololaha Xildhibaan Gavin uu muujinayo jaahilnimada ka heesata arrimaha gudaha Soomaaliya, isaga oo tilmaamay xildhibaanka mid horey ugu fashilmay shaqo loo igmaday.

“Tani waxay dhab ahaantii muujinaysaa jaahilnimadaada ku aadan xaaladda gudaha ka jirta. Qof si sharaf dhac leh looga ceyriyay shaqadii uu dowladdiisa u hayay ka dib markii uu dusiyay sirar la xirriira amniga qarankiisa ma aha inuu farageliyo arrimaha gudaha ee dal madaxbanaan.” ayuu yiri Wasiir Jamaal.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo aadaya xili Xildhibaano katirsan baarlamaanka UK ay wadaan olole ay ku doonayaan in lagu aqoonsado maamulka Somaliland oo doonaya in madaxbanaani qaato kana go’o Soomaaliya inteeda kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Biixi oo Daahfuray Ololaha Doorashooyinka Wakiilada Deegaanka ee Kulmiye (Sawirro)

Cabdi Cade

Maalqabeennada Itoobiya oo loogu baaqay in ay maalgashi ku sameestaan Somaliland

Cabdi Cade

20 dagaalyahan oo lagu dilay howlgal qorsheysan oo ka dhacay degaanka Cali Fuuto

Caydiid Ali
Taboola Ads ---