Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Britain oo cadeysay mowqifka ay ka taagan tahay aqoonsiga Somaliland

Britain ayaa cadeysay mowqifka ay taagan tahay aqoonsiga Somaliland, xilli baarlamaanka dalkaas uu maanta yeeshay dood ku saabsan aqoonsiga Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Afrika ee dowladda UK ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalkaas Victoria Grace Ford ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitterka ku sheegtay in dowladdeeda ay mowqif joogto ah ka taagan tahay arrimaha la xiriira aqoonsiga Somaliland.

“Doodda Aqalka Baarlamaanka waxay hoosta ka xariiqeysaa mowqifka aan is baddalin ee ay dowladda UK ka taagan tahay arrinta Somaliland. Waa howl u taalla Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya inay go’aan ka gaadhaan mustaqbalkooda. Waan sii wadi doonnaa inaan arrimaha dimuqraadiyadda, amniga iyo horumarka kala shaqeyno dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo Somaliland,” ayay ku tiri qoraalkeeda.

Dhinaca kale, Dooddii Aqoonaiga Somaliland ee ka socotay Baarlamaanka UK waxa ay maanta kusoo gabagabowday in dowladda UK ay aamiinsan tahay in xalku yahay in Muqdisho iyo Hargeysa ay iyagu kawada hadlaan mustaqbalkooda.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa mahad celin u jeediyay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka UK oo aqalka hor geeyay mooshin ku saabsan aqoonsiga gooni isu taagga Somaliland.

“Waad ku mahadsan tahay Gavin Williamson sida aad u hoggaamineyso doodda aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaa rajeynayaa inay ku dhageysan doonaan dowladdaada iyo xildhibaannada kale ee Baarlamanka” ayuu yiri Qoraal uu Muuse Biixi soo dhigay bartiisa Twitter-ka:

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=CuVcLdWJETM

Related posts

Saciid Ciise: “Dacwada Ikraan waxay jid halaq mareen ah ku fureysaa Farmaajo & Fahad”

Caydiid Ali

Labo Falastiiniyiin ah oo lagu toogtay Qudus iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Hadalkii Ugu Dambeeyay Duuliyihii Waday Diyaaradii Bur burtay ee Itoobiya oo la ogaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---