Qarax kale ayaa goor dhow ka dhacay degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho sida ay sheegayan warar goor dhow ku soo dhacay warqabadka allbanaadir Online.
Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxa oo meelo badan laga maqlay uu ahaa mid lagu xiray gaari la sheegay inuu marayey agagaarka halka loo yaqaano tabakaayo Madow oo ka tirsan degmada Dharkeynley.
Gaariga ayaa la sheegay iney leedahay mid ka mid ah shirkadaha gaarka ah loo leeyahay ee ka shaqeeya magaalada Muiqdisho.
Ciidamada amaanka ayaa la soo sheegayaa iney goobtaas xireen, welina ma cadda khasaaraha ka dhashay qaraxan iyo cida bartilmaameedku ahaa.
Saacado ka yar ka hor ayey markii qarax ismiidaamiin ah oo uu fuliyey qof miineysan uu ka dhacay maqaahi ku taalla degmada Wadajir, ugu yaraan afar qof ayaana ku dhintay halka 10 kale ay ku dhaawacmeen.
Amaanka magaalada Muqdisho ayaa faraha ka sii baxaya, iyadoo qaraxyada ka dhaca ay sii xoogeysteen todobaadyadii la soo dhaafay ka dib markii in muddo ah laga nastay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://www.youtube.com/watch?v=CuVcLdWJETM