Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan Qarax ismiidaamin ah oo galabta ka dhacay degmada wadajir ee Magaalada Muqdisho kaasoo lala beegsaday maqaahi ku dhow xerada tababarka ciidamada ee ku taalla Warshadii hore ee Nacnaca.
Qof dhexda ku soo xirtay walxaha qarxa ayaa la sheegay inuu isku qarxiyey maqaahidaas xili ay ku sugnaayeen dhalinyaro badan oo halkaas ku shaahayey.
Khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burbur ayaa la soo sheegayaa inuu geystay qaraxaas, iyadoo ay goobta gaareen gaadiidka gurmadka deg deg ah, ciidamada amaanka ayaana xiray halkaas baaritaanana ka  sameeyey.
Afar qof ayaa inta la xaqiijyey ku dhimatay ku dhawaad 10 kalana waa ay ku dhaawacmeen sida ay ilo wareedyo kala duwan u xaqiijiyeen allbanaadir Online.
Al-Shabaab ayaa mudooyinkan kordhisey qaraxyada ismiidaaminta ah ee ay ka geysanayaan Muqdisho, maalmo ka hor ayeyna aheyd markii qof ismiidaamiyey uu qarax la beegsaday kuna dhaawacay afhayeenkii Xukuumada Somalia, waxaana ka sii horeeyey qaraxyo kale oo dad badan ay ku dhinteen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com