Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Baasaboorka Somalia oo sare uga kacay kaalinta uu kaga jiray Baasaboorada caalamka

Isbaddal ayaa ku dhacay Sanadkan 2022-ka, darajada baasaboorrada adduunka marka la eego qeybaha ugu sarreeya, iyadoo baasaboorka Soomaaliga oo ku jiray kaalimaha ugu hooseeya uu haatan soo galay kaalin tii hore ka wanagsan

Bogga Henley Passport Index oo ay aqoonsan tahay hay’adda maamusha duulimaadyada caalamka ee IATA, ayaa sanad walba soo saarta liis muujinaya baasaboorrada adduunka iyo sida ay ugu kala horreeyaan fududaanta safarrada.

Baasaboorka Japan ayaa mar kale sanadkan 2021-ka kaalinta koowaad ka galay liiska baasaboorrada ugu awooda badan caalamka, marka la eego inta waddan ee lagu aadi karo dal ku gal la’aanta waxaana kaalintaas kula jirta Singapore halka Kaalinta 2-aad ay isku ciriirinayaan Jarmalka iyo Kuuriyada Koonfureed.

Afar wdadan oo isla soo galay kaalinta 3-aad ayaa iyana kala ah: Finland, Talyaaniga, Luxembourg iyo Spain.

Baasaboorka Afghanistan, oo sannado badan ahaa midka ugu liita caalamka ayaa weli kaalintaas ku jira iyadoo  Baasaboorka Soomaaliga uu sanadkan sameeyay sare u kac yar, waxaana uu ka kor maray baasaboorka hal waddan oo kale.

Baasaboorka Soomaaliga ku noqday kan lixaad ee ugu liita caalamka, halkii uu sanadkii hore ka ahaa midka shanaad, iyadoo Baasaboorka Yemen oo horay uga sarreyn jiray kan Soomaaliga uu hadda hoos u soo dhacay halka kaalintiisa uu galay kan Soomaaliga

Baasaboorada dalalka Yemen, Pakistan, Suuriya, Ciraaq iyo Afghanistan ayaa ka wada hooseeya baasaboorka Soomaaliga.

Kaalinta 106-aad ayuu ku jiraa baasaboor Soomaaliga, waxaana dal ku gal la’aan lagu tagi karaa ilaa 34 waddan oo ku yaalla caalamka.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa xili dhowaan Mudane Cabduqaadir Cilmi Cabdul loo magacaabay Agaasimaha cusub ee Hay’adda socdaalka iyo Jindiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya kaasoo dar-dar geliyey adeegyada ay heyadaas u heyso bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliska NISA oo shaaciyay iney Muqdisho ku laayeen 12 ka tirsan kooxda Al-Shabaab

Caydiid Ali

Guddiga qaban qaabada Ciyaaraha Dowlad goboleedyada oo la magacaabay (Magacyada)

Cabdi Cade

Booliska Austria oo fashiliyay weerar argagixiso

Caydiid Ali
Taboola Ads ---