Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sidee Madaxweyne Biixi iyo wafdigiisa loogu soo dhoweeyey Addis ababa? (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii ballaaRnaa ee uu hoggaaminayey oo saaka safar shaqo kaga dhoofay magaalada Hargeysa, ayaa gaaray caasimadda Addis Ababa ee dalka Ethiopia, waxana madaarka caalamiga ah ee Bole international Airport kusoo dhaweeyey saraakiil sarsare oo ka socota dawladda Ethiopia, kuwaasoo ay kamid yihiin wasiirka maaliyadda dawladda Federal-ka Ethiopa, Mudane Axmed Shide iyo Wasiiru dawlaha arrimaha siyaasadda ee wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia, Mr. Redwan Hussein.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi  iyo weftigiisa oo marti-qaad rasmi ah ka helay ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia, Mr. Abiy Ahmed waxaana loo gudbiyey qolka VIP-da ee madaarka, halkaas oo ay qaddar nasasho ah ku qaateen, waxana intaas kaddib lagu gelbiyey gaadiidka lagu soo dhaweeyo wufuudda dalkaas timaadda, kuwaasoo madaxweynaha iyo weftigiisa u qaaday goobtii loogu talo galay.

Mudane Muuse Biixi iyo xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo, ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona saraakiisha ugu sarraysa ee dawladda Ithiopia muddada ay safarka ku joogaan caasimadda Addis Ababa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo kulan xasaasi ah la qaatay Maamulka G/Banaadir (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre oo go’aan la filayay ka gaaray Shirka Garawe

Cabdi Cade

Madaxweyne Guudlaawe oo Guddoomiyay shir looga hadlay arrimo kala duwan (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---