Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Hirshabelle oo amar siiyay Saraakiisha Hay’addaha Amniga (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedla Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka Amniga Dowladda Hirshabeelle.

Shirka oo ay ka qeybgaleen Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, Taliyaha Guutada 3aad qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, iyo saraakiisha qeybta, Taliyaha Madaxtooyada, Taliyaha Nabada Sugida Hirshabeelle, saraakiil ka socotay taliska booliiska Hirshabeelle, saraakiisha qeybta guud ee Gobolka, iyo Agaasinka Madaxtooyada ayaa looga hadlay dardargalinta amniga guud ee Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa ayaa faray saraakiisha hay’addaha Amniga inay xoojiyaan oo ay laba laabaan amniga deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan Magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne oo ay ka dhacayaan dhowaan doorashooyinka xildhibaanada golaha shacabka.

Related posts

Qaramada Midoobay oo soo jeedisay in lakala qeybiyo Saxaraha Galbeed

Cabdi Cade

Cabdi Xaashi: “Maanta oo kale waxaa na looga baahan yahay Midnimo & taageero”

Caydiid Ali

Isreal oo duqeyn ku dishay dad Dhaawac ah oo loo qaadi rabay dalka Masar

Cabdi Cade
Taboola Ads ---