Allbanaadir.com
NEWS

Madaxda Maamul goboleedyada oo ka cararaya Hanjabaada dowlada Mareykanka

Dowlada Mareykanka ayaa marar badan ku cel celisay in talaabo adag ka qaadeyso masuuliyiinta caqabada ku ah habsami u socodka doorashada Soomaaliya oo mudo sanad ah ka dib dhacday xiligii horey loogu qorsheeyay.

Mareykanka ayaana hanjabaadii ugu dambeeyay ku shaaciyay hadii doorashada Soomaaliya mar kale ka dib dhacdo xiliga loo qorsheeyay ee dhamaadka bisha febraayo in ay qaadi doonaan talaabooyin adag oo ka dhan ah kuwa caqabada ku ah doorashada.

Madaxda dowlad goboleedyada dalka oo si weyn isha loogu hayo ayaa iyaga oo fulinaya heshiiskii shirka golaha wadatashiga qaran sidoo kale ka cararaya hanjabaada dowlada Mareykanka waxa ay shaaciyeen qaarkood qabashada doorashada kuraas badan.

Hanjabaada Mareykanka ayaana la sheegay in ay saameyn ku yeelan karto madaxda maamulada qaarkood iyo masuuliyiinta kale ee doorashada caqabada ku ah, waxaana masuul kastaahi hada ka cararayaa in dhibatao uga timaado Mareykanka.

Waxaana la filayaa in dowlad goboleedyada iyo magaalada Muqdisho si rasmi ah oo dar dar leh dhawaan uga bilaabato doorashada xildhibaanada golaha shacabka oo maalmihii lasoo dhaafay hakad ku jiray.

Doorashada golaha shacabka ayaana ku bilaabatay nidaam caajis ah oo maamul goboleedayad marba dhoor kursi shaacinayeen, hasa ahaatee waxaa hada muuqata in maamul goboleedyada ay boobsiinayaan dooarshada si waqtigii loo qorsheeyay aysan u dhaafin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=JCxSSOjiM7Y

Related posts

Koronto la’aan baahsan oo soo wajahday dal ka tirsan Yurub ka dib markii..

Caydiid Ali

Dagaal saaka waaberigii ka dhacay degmada Balcad iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Haweeney lagu dilay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade