Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo weerar khasaaro geestay ka fulisay gudaha dalka Kenya

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa weerar khasaaro geestay ka fuliyay deegaan lagu magacaabo Banisa oo kuyaala duleedka waqooyi ee magaalada Mandheera, waxaana weerarkan lala beegsaday dad halkaasi ku sugnaa.

Al Shabaab ayaa war kasoo baxay lagu sheegay in weerarkaasi ka dhacay duleedka magaalada Mandheera iyagu ka dambeeyeen, waxa ayna xuseen in weerarkaasi ku dileen labo qof oo Kenyan ah.

Dowlada Kenya ayaan wali ka hadlin weerarkan khasaaraha geestay ee Al Shabaab ka fuliyeen gudaha Kenya, waxaana howlgalo kawada deegaanka weerarku ka dhacay ciidamo katirsan milatariga iyo booliiska Kenya.

Al Shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaaf kordhisay weerarada ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya gaar ahaan deegaanada hoostaga magaalada Mandheera iyo sidoo kale gobolka xeebta ee Lamu.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=JCxSSOjiM7Y

Related posts

Maamul Cusub oo loo magacaabay Degmada Afgooye (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Dowladda Mareykanka oo Cabsi lasoo daristay iyo Warbixin Digniin ah oo lasii daayay

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay geerida ku timid Xildhibaan Cabdiraxmaan Jubba

Cabdi Cade
Taboola Ads ---