Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raisul Wasaare Rooble oo caawa Isbitaalka ku booqday dhaawaca Macalimu (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa Isbitaalka ku booqday Afhayeenka Xukuumadda Mudane Maxamed Ibraahim Macallimu oo ku dhaawacmay qarax maanta lala beegsaday.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la sheekeystay Macallimu oo xaaladdiisu soo hagaageyso, waxa uuna Eebbe uga baryay caafimaad deg deg ah.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay dhaqaatiirta daweyneysa afhayeenka Xukuumadda, iyagoo xusay in dhaawaca afhayeenku uu yahay mid aan halis aheyn ayna ku dedaali doonaan baxnaaninta xaaladiisa.

Related posts

(Daawo Sawirro) Shaqaalaha Maamulka hawada Somalia oo Muqdisho la keenay

Caydiid Ali

Maamulka Puntland oo eedeyn culus u jeediyay dowladda Federaalka iyo Khilaaf cusub oo..

Cabdi Cade

Askari ka tirsan Ciidanka daraawiishta K/Galbeed oo xukun dil ah lagu fuliyey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---