Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowladaha Soomaaliya iyo Maraykanka oo wadahadal xasaasi ah yeeshay

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika Marwo Molly Phee & Ergayga Gaarka ah ee Dowladda Maraykanka u qaabbilsan Geeska Afrika Danjire David Satterfield.

Wadahadalka Masuuliyiinta ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadidda xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Maraykanka ee dhinacyada iskaashiga amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika.

Marwo Molly Phee & Danjire David Satterfield ayaa u sheegay Wasiirka in Maraykanku diyaar u yahay xoojinta taageerada Soomaalida, iyagoo tilmaamay muhiimada ay leedahay dedejinta doorashada Soomaalida iyo iskaashiga dhinaca amaanka.

Wasiir Cabdi Saciid Muuse Cali uga mahad celiyey dowladda Mareykanka taageerada ay u fidiso dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ergeyga DF u qaabilsan Somaliland oo kulan la qaatay Madaxweyne Geelle (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Go’aankii uu gaaray Madaxweynaha Puntland

Cabdi Cade

Dowlad Weyn oo dalkeeda ka mamnuucday isticmaalka Tiktok iyo Sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---