Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Safiirka Somalia ee Uganda oo kulan muhiim ah la qaatay xubno ka tirsan Jaaliyada (Sawirro)

Safiirka Soomaaliya ee Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur) oo uu wehliyo qunsulka Safaaradda Cali Qadar ayaa kulan is xogwaraysi ah kula qaatay xarunta safaaradda qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uganda.

Kulankan oo lagu soo bandhigayay caqabadaha haysta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Kampala iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa ay soo bandhigeen dadkii kulanka ka qayb galay caqabada ugu waa wayn ee haysa jaaliyadda.

Caqabadaha ay soo bandhigeen waxaa ka mid ahaa in tuugo dhibaatada Ku heyso Soomaalida Kampala ku nool.

Odayaasha ayaa sidoo kale xusay in Kampala ay kusoo badanayaan Dhalinyaro maandooriye isticmaala iyo kuwo waxbarashada loo soo diray Baal maray loona baahan yahay in wacyi galin loo sameeyo.

Danjire Cali Maxamed Maxamuud ( Cali Cagabaruur ) ayaa sheegay in la dhiso guddiyo ka shaqeeyo sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha jira oo ka kala imaanaya dhammaan xaafadaha ay soomaalida degto.

Safiirka aya sheegay in xoogga la saari doono sidi loo mideyn lahaa dhamaan qeybaha kala duwan ee bulsha weynta soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Uganda.

Safiir Cali Cagabaruur ayaa ugu dambeyntii sheegay in dhammaan caqadahaas la sheegay in dowladda Uganda kala hadli doonaan si wax loogu qabto, sidoo kalena jiri doonaan kulamo laysku xog waraysanaayo oo ugu horeeyo kulan kale oo isla safaaradda ka dhici doono maalinta Talaadada ah ee soo socoto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh & wafdi uu horkacayo oo dalka ka dhoofay

Caydiid Ali

Maraykanka oo faahfaahiyey duqeyn ka dhacday gobolka Hiiraan (Akhriso)

Caydiid Ali

Shaqaale ka tirsan Madaxtooyada oo loo xiray soo bandhigidda Muuqaal Cara Badan Ka dhalatay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---