Allbanaadir.com
NEWS

RW Khayre oo go’aan ka qaatay iscasilaad uu dhowaan gudbiyey Mid ka mid ah la taliyeyaashiisa

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay oo goor dhaw ku soo dhacay warqabadka Allbanaadir.com Raisul wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre ayaa diiday iscasilaad uu dhowaan u gudbiyey la taliyihiisa gaarka ah ee dhinaca warfaafinta C/qaadir Cashir Nadaara

Ra’isul wasaaraha ayaa amar ku siiyey Nadaara oo xiligan ku sugan magaalada London inuu ku soo laabto shaqadiisa wuxuuna tagi doonaa dhawaan Muqdisho.

La-taliyaha gaarka ah ee dhinaca Warfaafinta u qaabilsan raisul wasaaraha C/qaadir Cashir Nadaara oo aan la xiriirnay ayaa arintaas inoo xaqiijiyay.

Dhawaan ayay ahayd markii uu Nadaara uu u  gudbiyay iscasilaadiisa Raisul Wasaare Khayre isagoo doonayay inuu u tartamo kursiga Xildhibaaninmo ee uu baneeyay Agaasimaha hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Xueen Max’ed Xuseen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Qoys mudo lix Sano ah kunoolaa Isbitaal iyo Sabab layaab leh oo keentay !(Sawirro)

Cabdi Cade

Khasaaraha ka dhashay Weerarkii Xabsiga Dhaxe oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Maxaa ka soo kordhay dagaalka todobaad jirsaday ee Armenia & Azerbaijan? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---