Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Haweeney Shaqaale ka aheyd hoyga RW dalka Sweden oo Sabab yaab leh loo xiray

Dood adag ayaa ka dhalatay xarig loo geystay Haweeney u dhalatay dalka Nicaragua oo shaqaale ka aheyd guriga Raisal Wasaaraha Dalka Sweden.

Haweeneydan ayaa la sheegay iney sharci la’aan aheyd xiliga ay ka shaqeyn jirtay hoyga Raisal Wasaaraha Dalka Magdalena Andersson.

Booliska ayaa ogaaday arintaasi kadibna ka soo Xiray guriga iyadoo ku sugan waxayna shaqada ku jirtay muddo badan iyadoo aan heysan sharciga joogitaanka dalkaas.

Dooda ugu badan ayaa ah sida ay ku dhacday in qof sharci la’aan ah uu ka shaqeeyo Hoyga raisul wasaaraha  waxaana Haweeneyda ay hada ku xirantahay laanta Socdaalka.

Wargeyska Expressen ayaa qoray in Haweeneyda ay ka codsatay dowlada Sweden inaan loo tarxiilin dalkooda oo ay sheegtay iney ciqaab kala kulmi karto.

Siyaasiyiinta iyo dadka kale ayaa ku doodaya in dalku uu halis ku jiray maadaama qof sidaas ah ah uu ka shaqeynaayey hoyga masuulka ugu sareeyo dalka, iyadoo su’aalo laga laga keenay sida markii horeba haweeneydaas shaqo illaa heerkaas loogu aaminay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyada Weerar kale oo ka dhacay gudaha Kenya

Cabdi Cade

Xubnaha guddiga Baarlamaanka Jubbaland ee qabashada doorashada Aqalka sare oo la magacaabay

Cabdi Cade

67 ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Sh/dhexe & Jen. Odowaa oo gaaray..(Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---