Allbanaadir.com
NEWS

Gabar saakay Maherkeeda loo balansanaa oo geeriyootay iyo Farxadii oo murugo isku bedeshay

Waxaa saakay magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland ka dhacday dhacdo murugo badan xumbaarsan, kadib markii ay geeriyootay gabar saakay loo balansanaa in maherkeeda uu dhaco.

Faadumo Ismaaciil iyo Khaalid Maxamed ayaa saakay lagu waday in maherkoodu ka dhaco hotel kuyaala magaalada Hargeysa, hasa ahaatee maherka waxaa kasoo hormaray geerida Faadumo oo naf baxday saacado kahor inta uusan dhicin maherkeeda.

Xubno katirsan ehelada gabadhan geeriyootay ayaa laga soo xigtay in uu kusoo booday xanuunka dhiigkarka oo sababay geerideeda, waxaana farxadii iyo reynreyntii loogu diyaar garoobayay maherka Faadumo isku bedeshay murugo xanuun badan.

“Ma jirin xanuun weyni, Kuma ay dhiman shil, Waa ay nabad iyo caafimaadqabtay, Shalay ayaa lagu booday, waxana la filayay inay ka soo rayso, saaka waxa guurkii beddelay geeri,” ayuu yiri mid kamid ah asxaabta gabadhan geeriyootay.

Geerida gabadhan ayaana si weyn loogu hadal hayaa baraha bulshada iyo warbaahinta qaar, waxaana dhacdadan aad uga naxay dadkii Soomaaliyeed ee maqlay iyagoona ilaah uga baryay in uu u naxariisto dambigeedana dhaafo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=OBKLQfKjGnI&t=40s

Related posts

Dowlada Somalia oo meel adag ka istaagtay in dalka kasii shaqeeyo Nicholas Haysom

Cabdi Cade

Ruushka oo qirtay khasaaraha kasoo gaaray Weerarka Ukraine iyo Belarus oo gantaalo ku…

Cabdi Cade

Xaliimo Yareey iyo ilaalo la socotay oo galabta lagu xiray magaalada Dhuusa Mareeb

admin
Taboola Ads ---