Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo kulan Xasaasi ah la qaatay Madaxweynayaashii hore ee Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay magaalada Garawe kulan xasaasi ah kula qaatay Madaxweynayashii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Gaas uu wehliyo Ra’isul Wasaare Hore Cumar Cabdirashiid.

Sida aan wararka ku helnay kulankan ayaa intii uu socday looga wada hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo xiisadii ka taagneed magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Madaxweyne Deni iyo masuuliyiinta kulanka yeeshay ayaa kawada hadlay sida ay ka yeelayaan go’aanadii dhawaan soo saareen Isimadda Puntland si xal looga gaaro dagaalkii ka dhacay magaalada Boosaaso.

Kulankan dhax maray Madaxweynaha Puntland iyo madaxdii hore ee maamulkaasi ayaan faah faahin badan laga bixin, waxa ayna dhinacyadu isku raaceen sida aan wararku ku helnay in laga shaqeeyo sidii xal nabadeed loogu dhameyn lahaa xiisada Boosaaso.

Madaxtooyada Puntland ayaan wali wax jawaab ah kasoo saarin go’aankii ugu dambeeyay ee soo saareen Isimadda Puntland, kuwaa oo u arkay xalka kaliya ee looga gudbi karo xiisada taagan in ay tahay qodobada ay soo saareen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/fGykJN6Fel8

Related posts

(Sawirro) Halkee marayaa dhismaha laamiga cusub ee ka socda degmada Dayniile?

Caydiid Ali

Kamala Haris oo qarka u saaran Musharaxa Dimoqraadiga

Caydiid Ali

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland oo Eedeymo culus u jeediyay Muuse Biixi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---