Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ciidamada Kenya oo heegan la geliyay xili la xusayo Weerar Al Shabaab dalkaasi ka geesteen

Dowladda Kenya ayaa heegan buuxa gelisay ciidamadeeda, si ay uga hortagaan weeraro kale oo Al Shabaab ka fuliyaan gudaha dalkaasi, xili Kenya laga xusayo sanad guuradii sadexaad ee kasoo wareegtay weerarkii DusitD2 ee ka dhacay Nairobi.

Afhayeenka ciidamada Booliiska dalka Kenya Bruno Shioso, ayaa sheegay in feejignaan sare la geliyay ciidamada amaanka dalka Kenya si ay uga hortagaan weeraro Al Shabaab ka geestaan gudaha Kenya gaar ahaan Nairobi.

Magaalada Nairobi ayaa maanta laga xusayaa sadex sanno guuradii kasoo wareegtay wareerkii qaraxa ku bilowday ee Al Shabaab ku qaadeen dhismayaasha DusitD2 oo kuyaala Nairobi 15-kii Janaayo 2019-kii, waxaana weerarkaasi ku dhintay dad badan .

Weerarkii Al Shabaab maanta oo kale ka geesteen magaalada Nairobi sanadkiii 2019-kii ayaa galaaftay nolosha dad ka badan 20-qof halka ay ku dhaawacmeen dad intaasi ka badan, waxaana dadka ku dhintay weerarka ku jiray muwaadiniin Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/fGykJN6Fel8

Related posts

Ciidamo katirsan Gor Gor oo tababar loogu soo xiray magaalada Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Waa Imisa tirada Mashaariicda Madaxweyne Farmaajo ka soo dhagax dhigay gobolada?

Caydiid Ali

Sarkaal Kenyan ah oo nolosha lagu watay ka dib weerar ka dhacay meel ku dhow xadka Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---