Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga doorashada Heer Federaal oo maanta Guddomiye dooranaya iyo olole socda

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ka dhacdo doorashada guddomiyaha guddiga doorashada dadban ee heer federaal ,waxaana hada socda olole xoogan ay wadaan musharaxiinta ku tartameysa xilka guddoomiyaha.

Guddiga doorashada heer federaal ayaa dhawaan xilka ka qaaday guddomiyihii guddigaasi Maxamed Xasan Cirro oo lagu eedeeyay in uu ku dhax milmay siyaasadda kuna fashilmay shaqadii loo igmaday.

Doorashada guddomiyaha guddiga doorashada waxaa ku tartamaya xubno saameyn leh oo guddiga katirsan, waxaana xubnaha tartamaya wararku sheegayaan in ay kala wataan dhinacyo siyaasadda saameyn ku leh si guddomiyaha dhankooda u noqdo.

Musharaxiinta u tartameysa guddomiyaha guddiga doorashada ayaa wada olole xoogan ay ku kasbanayaan codka guddiga wax dooranaya, waxaana wararku sheegayaan in musharaxiinta qaar lacago balan qaadayaan.

Doorashada maanta dhaceysa ayaana la filayaa in goobjoog ka ahaan xubno ka socda xafiiska Ra’isul Wasaaraha, beesha caalamka iyo buloshada rayidka kuwaa oo goobjoog ka noqonaya sida ay u dhaceyso doorashadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Dayuuradaha Israel oo duqeyn ka geystay Yemen

Caydiid Ali

DEG DEG: Dab goor dhow qabsaday qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha

Caydiid Ali

Qaramada Midoobay oo ka hadashay Labo Nuuc Doorasho ee soo bandhigtay Xaliimo Yarey

Cabdi Cade
Taboola Ads ---