Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Madaxweyne Deni oo la kulmay Guddoonka cusub ee Guddiga TPEC

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC).

Kulanka ayaa looga hadlay dhismaha Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl iyo sidoo kale dardargelinta Doorashada in laga qabto degmooyinka kale ee Puntland.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoonka cusub ee Guddiga Doorashooyinka TPEC, Guddoomiye Mudane Cabdirisaaq Axmed Saciid , Guddoomiye Ku-xigeen Mudane Cali Jaamac Faarax, xubnaha kale ee Guddiga iyo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Mudane  Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Shirkii Golaha Wasiirada ee maanta ayaa looga hadlay dardargelinta nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland, Iyadoo Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni faray dhammaan Hay’adaha Dowladda in Guddiga Doorashadda lagala shaqeeyo dhameystirka nidaamka dimuqraadiyadda Puntland oo laga wada hirgelinayo dhammaan degmooyinka Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Badbaadada Hirshabelle oo ka ka hadlay War-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Kismaayo

admin

Saciid Ciise: “Puntland waxey damacsan tahay degmooyinka Somaliland qaar ka mida iney..”

Caydiid Ali

DF oo heshiis cusub la saxiixatay Shirkadda shidaalka ee Coastline Exploration (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---