Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddiga billada caalamiga ah ee Nobel Prize oo digniin siiyey RW Abiy Ahmed

Guddiga billada Nobel-ka ee Norway ayaa ku biiray codadka caalamiga ah ee ugu baaqay ra’iisul wasaaraha Itoobiya inuu soo afjaro dagaalka sokeeye ee 14-ka bilood ka socday dalkaas kaasoo galaaftay nolosha kumanaan qof.

Qoraal ay soo saareen ayaa lagu sheegay in Abiy Axmed oo ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel 2019 – ay mas’uuliyad gaar ah ka saaran tahay sidii loo soo afjari lahaa dhiigga daadanaya.

Afhayeenka Abiy Ahmed Billen Seyoum ayaa horay u sheegay in abaalmarinta nabadda ee Nobel aysan ahayn xakame qabanaya marka dalka la soo weeraro

Hal sano ka dib markii uu ku helay abaal-marintan soo afjaridda dagaalkaa dheeraa ee dalkiisa kala dhexeeyey Eritrea, Mr Abiy waxa uu diray ciidamo la dagaalama falaagada waqooyiga gobolka Tigray.

Dagaalkaas ayaa malaayiin qof ku qasbay inay guryahooda ka baxaan. Dowladda ayaa lagu eedeeyaa inay hor istaagtay gargaarka bini aadamtinimada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maraakiibta iyo diyaaradaha Dagaalka Shiinaha oo galay xadka Taiwan iyo xiisad taagan

Cabdi Cade

Akhriso : Tirada Xildhibaanada cusub ee Galmudug iyo Sida beelaha u qeybsanayaan

Cabdi Cade

Al Shabaab oo soo bandhigtay Gaari dagaal iyo Hub ay dagaal kusoo qabsadeen (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---