Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo fariin u diray masuuliyiinta maamulka Puntland (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada ee todobaadlaha ah.

Kulanka oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa looga hadlay Amniga, Dhameystirka nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland, Nabadeynta Colaada Saax-maygaag iyo qabashada Doorashadda Golaha Shacabka ee DFS.

Dowladda Puntland waxaa ka go’an dhameystirka nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, waxaana Golaha looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa qabashada Doorashadda ee degmooyinka kale ee Puntland.

“Doorasho hal cod iyo hal qof in ay Puntland ka dhacdo waa arrin Dastuuri ah, waa go’aan la gaaray 1998-dii illaa iyo hadana lagu taameyey, anagana waan billownay waana naga go’antahay inaan dhammaan Puntland ka qabano.” Ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni

Madaxweynaha ayaa faray Masuuliyiinta Hay’addaha Dowladda ee ay khuseyso, in lagala shaqeeyo Guddiga Doorashada dhismaha goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl oo dhakhso la qabanayo. Sidoo kale waxaa la dardargelin doona qorshaha doorashada looga hirgelinayo dhamaman degmooyinka kale ee Puntland.

Related posts

Ruushka oo Mareykanka ku eedeeyey inuu si toos ah ugu biiray dagaalka Ukraine

Caydiid Ali

DF oo ka jawaabtay hadal dhowaan ka soo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland

Caydiid Ali

Baadarigii ugu sarreeyay mad’habta Catholic Benedict XVI oo geeriyooday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---