Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe oo Warbixin siiyay golaha Wasiiradda Jubbaland (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa shir gudoomiyey kulanka golaha wasiiradda Jubaland oo maanta lagaga hadlay qodobo kale duwan.
 
Kulanka waxaa ugu horeyntii Madaxweynaha golaha oga warbixiyey xaaladda guud ee dalka iyo arimaha doorashooyinka oo xiligan lagu guda jiro sidii losoo dhameeystiri lahaa xubnaha kamid noqonaya kuraasta aqalka hoose ee barlamaaka Soomaaliya.
 
Wasaaradda Caafimadka ee Dowladda Jubaland ayaa kawar bixisay xaalada caafimadka ee deeeganada Jubaland, waxa ay golaha usoo gudbisay in wali ay taagantahay xaalada Covid-19 isla markana ay wadaan wacyi galinta bulshada iyo dadaalada ay xanuunkan ku xakamaynayaan.
 
Wasaarada Amniga Dowladda Jubaland ayaa golaha usoo gudbisay warbixino la xiriira amaanka deegaanada Jubaland. waxa ay sheegtay in feejignaan dheeri ah ay ku jiraan laamaha amniga maadaama uu dalku kujiro doorasho kooxaha dhagar-qabayaasha ay isku dayayaan sidii ay ku dhibaateen lahaayeen dadka biramageeyada ah.
 
Dhinaca kale golaha wasiiradda ayaa ansixiyey heshiis ay wada galeen Wasaaradda Dekadaha iyo Gadiidka Badda Jubaland iyo shirkad ganacsato ree Jubaland ay leeyihiin, taasoo maalgashi ku sameeyn doonta keydka shidaalka ee ku dhaxyaala Dekada Kismaayo si loo hormariyo ilaha dhaqaale ee ay ku tiirsantahay Dowlada Jubaland.
 
Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Jubaland ayaa ay sheegtay in deegaanada Jubaland ay wali ka jiraan abaaraha ku dhuftay guud ahaan dalka, gurmadyo kale duwana ay wali ka wado deeganada ay abaaruhu ka jiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo Shaqada ka ceyrisay Agaasime Taageere u muujiyay Isra’il

Cabdi Cade

Sheekh Umal oo talo Muhiim ah siiyay Madaxweynaha kursiga isku dhejinaya ee Farmaajo

Cabdi Cade

Britain oo xabsiga dhigtay saddex qof oo lagu eedeynayo Basaasnimo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---