Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xafiiska Q/Midoobay ee Somalia oo beeniyay warar ay baahisay Al-Shabaab

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somalia ayaa ka hadlay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay  magaalada Muqdisho kaasoo geystay khasaare iskugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay cambaareyneysaa weerarkii ismiidaaminta ahaa ee goor sii horreysay oo maanta ah ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana ay tacsi u direysaa ehelada dadkii ku dhintay weerarkaas, iyadoo u rajeysay kuwa ku dhaawacmay caafimaad degdeg ah” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay QM

Al-Shabaab ayaa sheegatay Masuuliyada qaraxaas oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey, waxayna intaas ku dartay iney la beegsatay kolonyo ay la socdeen shaqaale caddaan ah oo ka tirsan QM balse xafiiska QM ayaa beeniyey hadalkaas.

“Si ka duwan wararka qaar ee horay u soo baxay, ma jiraan shaqaale Qaramada Midoobay ka tirsan ama qandaraaslayaal ah oo ku jiray kolonyada la beegsaday” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay QM.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Muxuu Wasiirka Amniga ku soo arkay degmada Balcad oo ay ku soo bateen Weeradada Al-Shabaab?

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo soo dhaweyn aan horey loo arag loogu sameeyay Gaalkacyo (Sawirro)

Cabdi Cade

Taliyihii Ururka 164 ee Danab oo lagu dilay dagaal ka dhacay Aboorey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---