Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni iyo Per Lindgärde oo arrimo muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirka dowlada Sweden ee Soomaaliya Danjire Per Lindgärde.

Siciid Deni iyo Danjire Per Lindgärde ayaa kawada hadlay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo go’aanadii kasoo baxay shirkii golaha Wadatashiga Qaran.

Danjire Per Lindgärde, ayaa bogaadiyay go’aanadii kasoo baxay shirka golaha Wadatashiga qaran iyo habraaca doorashada, waxa uuna cadeeyay in dowladiisa taageeryso in Soomaaliya ka qabsoonto doorasho hufan oo raali laga wada yahay.

Madaxweynaha Puntland oo wali ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulamo kala duwan la qaatay wakiilo katirsan beesha Caalamka, musharaxiin Madaxweyne, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dibedbax weyn oo ka dhacay Muqdisho & RW ku-xigeenka oo ka qeyb galay (Sawirro)

Caydiid Ali

Amaro la siiyay Madaxda ka qeyb galeysa Caleemo Saarka Yoweri Museveni

Cabdi Cade

Shirkad ay leedahay Israel oo lagu weeraray Gothenburg

Caydiid Ali
Taboola Ads ---