Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Muxuu Wasiirka A/Dibadda DF kala hadlay agaasime Luca Maestripieri?

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Agaasimaha Hay’adda Horumarinta Iskaashiga ee Dowladda Talyaaniga Mudane Luca Maestripieri, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dheef-wadaagga ah ee Labada Dal.

Agaasimaha ayaa la wadaagay Wasiirka aragtiyo ku aaddan istaraatiijiyadda horumarineed ee Talyaaniga ee ku wajahan xoojinta xiriirka Soomaaliya ee dhinacyada dib-u-dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha, isaga tilmaamay in booqashada uu ku yimid Soomaaliya ay muujineyso ahmiyadda Dowladda Talyaaniga uu u leeyahay iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyey Dowladda Talyaaniga taageerada ay u fidiso Soomaaliya, waxa uu na hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay ka go’an tahay horumarinta xiriirka laba geesoodka ah ee ay la leedahay Talyaaniga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=hwCLEvQFvMI

Related posts

(Daawo Sawirro) Mid ka mid ah dowladaha Carabta oo Mashaariic horumarineed ka fulineysa Somalia

Caydiid Ali

Diyaarad lagu qiinmeeyay 80-Milyan Dollar oo bur burtay iyo baadigoob socda

Cabdi Cade

Faahfaahin: Iska horimaad Khasaare sababay oo ka dhacay Garowe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---