Allbanaadir.com
NEWS

Shaqo Joojin lagu sameeyay Maareeyaha Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed (Wareegto)

Wareegto goordhaw kasoo baxday xafiiska Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaqada looga joojiyay Maareeyaha guud ee Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed Aadan Xasan Barre.

Maareeyaha shaqada laga joojiyay ayaa lagu eedeeyay Wadashaqeyn la’aan masuuliyiinta kale ee Hay’adda iyo sidoo kale xadgudubyo kale uu ku kacay maareeyaha Hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliyeed.

Wareegtada kasoo baxday xafiiska Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha xukuumadda Soomaaliya ayaa si KMG maareeyaha Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed waxaa loogu magacaabay maareeye kuxigeenka Hay’addaasi.

 

https://www.youtube.com/watch?v=Vxq1TmyN-PQ

Related posts

Somalia iyo dalal kale oo ciidamo Nabad ilaalin ah u diraya wadan ku yaalla Afrika

Caydiid Ali

Golaha Ammaanka QM oo 33 sano ka dib maanta xanibaada hubka ka qaadaya Somalia

Caydiid Ali

Hooyo iyo nin dhallinyaro ah oo loo dilay lacag gaareysa 5-kun oo Shilin Soomaali ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---