Allbanaadir.com
NEWS

Cumar Finish oo cadeeyay in Muqdisho banaan bax lagu qaban karin Amar culusna bixiyay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Laamaha Amniga ee Qeybta Guud Gobolka.
 
Shirka ayaa loogu hadlay xaaladaha guud ee dalka gaar ahaan Caasimada Muqdisho, iyadoona Cumar Filish uu warbixin ka siiyay ka qeybgalayaasha waxyaabihii kasoo baxay Shirkii Madasha Wadatashiga oo ay soo dhaweeyeen dhamaan daneeyeyaasha Siyaasadda.
 
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in xilligaan Muqdisho aysan xamili karin culeesyo hor leh, iyadoona aan la aqbali doonin in Caasimada ay ka dhacaan Banaanbaxyo uusan la socon Maamulka Gobolka Banaadir.
 
Waxa uuna cadeeyay Cumar Filish in aysan xiligan marnaba aysan aqbali doonin in gobolka Banaadir ka dhacaan banaan baxyo foodo ah oo la doonayo in lagu abuuro foodo iyo khalalaase hor leh.
 
Guddoomiye Cumar Filish ayaana faray laamaha amaanka gobolka Banaadir in ay adkeeyaan amaanka caasimadda, waxa uuna ugu baaqay bulshada ku dhaqan Muqdisho in aysan banaan baxa ka qeyb gelin ayna ku sugnaadaan guryahooda.
 
Warkan kasoo yeeray maamulka gobolka Banaadir ayaa imaanaya xili ay magaalada Muqdisho ka socdaan abaabulka banaan bax weyn oo looga soo horjeedo afgembi la sheegay in Farmaajo ku sameyn rabay Ra’isul Wasaare Rooble

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=Vxq1TmyN-PQ

Related posts

Danjire Schwartz : “Somalia waxay mar kale qarka u saaran tahay dagaal sokeeye”

Caydiid Ali

Xasan Sheekh oo lala wadaagay qorsheyaal muddo kooban Al Shabaab dalka looga sifeynayo (Sawirro)

Cabdi Cade

 Jen. Tigabu Yilma oo maanta tagaya Kismaayo iyo xog ku aadan u jeedka Socdaalkiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---