Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlada Kenya oo qaaday talaabo ay uga aargudaneyso Imaaraadka Carabta

Dowlada Kenya ayaa qaaday tallaabo u muuqata aargoosi ,kadib markii ay hakisay mudo isbuuc ah in dalkeeda kasoo degaan diyaaradaha rakaabka ee sida tooska ah uga imaanaya dalka Imaaraadka Carabta.

Hay’adda duulista hawada Kenya oo loo soo gaabiyo KCAA, ayaa sheegtay in tallaabadan ay jawaab u tahay xayiraad xaga safarka ah oo Imaaraadku ku soo rogay duulimaadyada rakaabka ee ka imaanayay Kenya.

Go’aankan dowladda Kenya kasoo baxay ayaa la sheegay in uusan saameyn ku yeelan doonin diyaaradaha xamuulka qaada ayna kaliya ka kooban yihiin diyaaradaha rakaabka qaada ee Imaaraadka ka imaan jiray.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa horey u hakisay diyaaradaha rakaabka ee uga imaan jiray dalka Kenya, kadib markii Imaaraadka ka degeen rakaab watay shahaadada Covid-19 balse markii ay ka dageen Imaaraadka laga helay cudurkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=Vxq1TmyN-PQ

Related posts

R/W Kheyre oo Gudoomiyay shirka tubta siyaasadda loo dhanyahay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo dhagax-dhigay dhismooyin ay yeelanayaan Saddex Hay’adood (Sawirro)

Cabdi Cade

Heyadda Socdaalka oo Yurub ka furtay Xarun cusub oo laga bixinayo Baasaboorka (Sawirro)

Caydiid Ali