Dooli ama jiir dunidda caan ka ahaa kuna guuleestay abaal marin qaali ah ayaa maanta geeriyooday isaga oo 8-sano jir ah, waxaana geerida dooligan si weyn u hadal haya warbaahinta caalamka kuwooda ugu afka dheer.
Dooligan geeriyooday oo lagu magacaabi jiray Apopo Siciid Magawa , ayaa caan ku ahaa baarista miinooyinka halista, waxa uuna hormuud u noqday in lasoo saaro miinooyin badan oo la aasay .
Warbaahinta caalamka ayaa ku warantay in dooligan oo lagu soo tababaray dalka Biljamka uu ku guuleestay in lasoo saaro ilaa 100-miino oo la aasay, waxaana miinooyinkaasi badankood laga soo saaray dalka Kaamboodiya .
Dooligan oo laga lahaa dalka Tanzaaniya ayaa ahaa mid caan ka ah dalkaasi si weyna loo tixgaliyo, waxaana dooligan la sheegay in mudooyinkan uu xaalkiisa wanaagsanaa balse maalmihii ugu dambeeyay xoogaa xanuuno yar yar lasoo darseen.
Ha’yad samafal oo qaabilsan xaananada xoolaha ee uu fadhigeedu yahay UK ayaa bilad dahab ah ku abaal marisay dooligan, waxay sheegtay in loo adeegsaday baarista miinooyin halis ah oo laga soo saaray Cambodia.
Dooligan geeriyooday ayaa loo tababaray in uu uriyo walxaha qarxa, wuxuuna si deg deg ah ku ogaanayaa goobta ay ku aasan tahay miinada, taas oo khuburada u fududeyneyso inay soo saaraan miinada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://www.youtube.com/watch?v=Vxq1TmyN-PQ