Allbanaadir.com
NEWS

Beesha Caalamka oo baaq u dirtay Hogaamiyaasha Siyaasadda Soomaaliya

War Saxaafadeed kasoo baxay Wakiilada beesha caalamka u jooga Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay go’aanadii kasoo baxay shirkii golaha Wadatashiga Qaran ee looga arinsanayay sixitaanka doorashada iyo amniga dalka.

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa sheegay inay  garwaaqsadeen in shirkii Golaha Wadatashiga Qaran lagu gaaray is-afgarad la iskuna raacay wax ka bedelka iyo dib u habaynta habraaca iyo dedejinta waqtiga doorashada Golaha Shacabka.

”Waxaan ku faraxsanahay in Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ay qaateen go’aamo ku saleysan wadatashiyo lala yeeshay bulshada rayidka, wakiillada haweenka iyo xubnaha mucaaradka.” ayaa lagu yiri qoraalka Beesha caalamka.

Qoraalka kasoo baxay beesha caalamka ayaa loogu baaqay hogaamiyaasha siyaasadda Soomaaliya in danta qaranka ka hor marsiiyaan dantooda gaarka ah kana shaqeeyaan sidii dalka uga dhici laheyd doorasho hufan.

”Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya in ay danta qaranka wax walba ka horraysiiyaan, ayna mudnaanta siiyaan soo gabagabaynta hannaan doorasho ee ay dadka Soomaaliyeed si weyn u aqbalaan, iyo inay ka fogaadaan daandaansi ka weecin kara hannaankaas oo kordhin kara khatar iska-hor-imaad ama rabshado . Dhammaan madaxda waa inay xaqiijiyaan in ciidamada amniga aan loo adeegsan hab siyaasadeed ”ayaa lagu yri qoraalka beesha caalamka.

Beesha Caalamka ayaa sheegtay in la joogo waqtigii ay dhammaan madaxda Soomaaliyeed diiradda saari lahaayeen in si degdeg ah loo dhaqangeliyo go’aannadii lagu heshiiyey si loo soo gabagabeeyo hannaan doorasho oo lagu kalsoonaan karo marka la gaaro 25ka Febraayo ee sanadkaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=Vxq1TmyN-PQ

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Telfoon kula hadlay Erdogan iyo Waxii ay kawada hadleen

Cabdi Cade

Kiiska Dacwada dilka ee Madaxweyne Thomas Sankara oo la hakiyay

Cabdi Cade

Iska horimaad caawa ka dhacay deg. Xamar-Weyne iyo Khasaare ka dhashay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---