Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha dalka Mareykanka oo Xil sare u magacaabay Muwaadin Soomaaliyeed

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa xil sare u magacaabay muwaadin asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya, balse heesta dhalada dalka Mareykanka , waxaana magacaabistaasi soo dhaweeyay Soomaalida kunool dalka Mareykanka.

Joe Biden ayaa Xamsa Warfaa u magacaabay inuu Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dowlada Mareykanka u noqdo la taliyaha sare ee dhinaca dimuqraaddiyadda iyo xuquuqda aadanaha.

Xamse, Warfaa ayaa hada ah guddoomiye ku-xigeenka Waaxda Shaqaaleynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha (DEED) ee dowladda gobolka Minnesota, waxa uuna xilkan ka tagayaa 17-da bishan Janaayo.

Siyaasigan Soomaaliga ah ayaa horey ula soo shaqeeyay Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, waxa uuna kaalin weyn ka qaatay ololihii doorashada ee kusoo baxay Madaxweyne Joe Biden.

Xamse Warfaa ayaa qaxootinnimo ku tagay dalka Mareykanka isaga aad u yar sanadkii 1994-tii, waxa uuna culuumta siyaasadda iyo maamulka ka bartay jaamacad kutaala Mareykanka, waxa uuna ahaa nin fir fircoon oo ka dhax muuqday dadka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=Vxq1TmyN-PQ

Related posts

Gabar ka dhooftay Muqdisho oo lagala baxay guri ku yaalla Magaalada Jigjiga

Caydiid Ali

Golaha Wasiirada Galmudug oo ansixyey Maqaamka degmada Guriceel (Sawirro)

Caydiid Ali

Itoobya oo bilowday wejiga labaad ee koronto dhalinta biyo xireenka webiga Nile

Caydiid Ali
Taboola Ads ---